Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya oo beeniyey war ay qortay wakaaladda Reuters
Xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay war lagu qoray wakaalada wararka ee Reuters, kaddib markii si qaldan loo turjumay shir jaraa'id oo uu madaxweynaha ku qabtay Xarunta Madaxtooyada oo uu kaga hadlay arrimaha Kismaayo iyo dhoofinta dhuxusha.
War saxaafadeed ku qornaa Afka English-ka oo laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu aanu ogolaan in la dhoofiyo dhuxusha taal Kismaayo, kadib markii Reuters ay si qaldan u fasirtay warkii ka soo baxay Madaxweynaha.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu ayidsan yahay mowqifka dowladda Soomaaliya iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ku mamnuucday dhoofinta dhusha, waxaana lagu sheegay qoraalka in aanay jirin wax iska bedelay mowqifka Madaxweynaha ee ku saabsan arrinta dhoofinta dhuxusha.
"Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dowladdu aad isugu dayeyso in ay xal ka gaarto arrinta aadka xasaasiga u ah ee la xiriirta dhuxusha, xalkaasoo ka hortagaya xaalufinta deegaanka, raadinayana sidii meesha looga saari lahaa dhuxusha haatan taalla"ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in dowladda aysan raali ka aheyn in la jaro dhirta iyo in la xaalufiyo deegaanka, waxaana warka ka soo baxay Madaxtooyada lagu tilmaamay mas'uuliyad daro warka ay sii deysay Reuters ee ahaa inay si qaldan u fasirtay shir jaraa'id oo uu Madaxweynuhu uga hadlay dhuxusha taal Kismaayo.
Shirka jaraa'id ee Madaxweynaha ayaa ku jirtay in dhuxusha diyaarsan ee taala Kismaayo aan dhirteeda hore loogu celin karin, isla markaana ganacsatada maal badan ka galay, ayna dowladda xal ka gaari doonto, waxaana uu xusay in mar dambe aan la jari doonin dhir.
"Dowladdu waxay doonaysaa inay go'aan ka gaarto dhuxusha taalla Kismaayo oo ay ganacsato Soomaaliyeed xoog iyo maal badan ka galay, go'aankeennuna waa xal laga gaarayo dhuxusha iyo inaan dib dambe loo jarin dhirteenna" ayuu ku yiri Madaxweynaha shirkiisa jaraa'id ee maalin ka hor ku qabtay Xarunta Madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa dhowaan u magacaabay gudi ka soo tala bixiyo arrimaha dhuxusha taal Kismaayo, inkastoo gudigaas laga soo celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mid ka mid ah caqabadaha siyaasadeed ee dowladdiisa ay tahay arrinta Kismaayo, sidii ay xal uga gaari lahaayeen, iyadoo maamul u sameyntana Jubooyinkana ay tahay midi ku taagan dowladdiisa.
Add New Comment
|
|
|