Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Dheere) ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaalka ku yaalla xaruntii Xalane ee degmada Wadajir oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM.
Alle ha u naxariistee, Maxamed Dheere waxa uu horay u soo noqday duqii magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyihii gobolka Banaadir, isaga oo intaas ka horna ahaa guddoomiyihii gobolka Shabeellada Dhexe.
Waxa magaciisu uu aad uga dhex muuqday dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa marxuum Cabdulaahi Yuusuf Axmed. Maxamed Dheere waxa uu kursigii xildhibaanimo u banneeyey Prof. Maxamed Cali Geeddi si Geeddi uu u noqdo Ra'iisal Wasaarihii Somalia. Xiligaas waxa xukuumadda xil ka qaban karay xubnaha baarlamaanka oo kaliya, sababtaas ayeyna ahayd tii uu marxuur Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) kursigiisii ugu banneeyey Prof. Geeddi.
Wararka geeridiisa ku saabsani waxay sheegayaan in lagu waday in magaalada Nairobi maalintii shalay ahayd loo duuliyo, hase yeeshee, dayuuradii qaadi lahayd laga waayey neeftii Oxygen-ta, sidaas darteed uu ugu sii nagaaday cisbitaalka Xalane, maantana uu halkaas ku geeriyooday.