Prof. Dufle oo loo dhaariyey ka mid noqoshada xildhibaannada Barlamaanka


Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa shalay loo dhaariyay xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu horay uga mid ahaa xubnihii hore ee baarlamaanka ee waayay kuraastii baarlamaanka ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka.

Kulan baarlamaanka uu haatan ku leeyahay xarunta golaha shacabka ayaa Prof. Dufle lagu hor dhaariyay, waxaana xubinimada uu ku helay booska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo aan loo dhaarin.

Inkastoo Tarsan uu haatan yahay Duqa magaalada Muqdisho iyo Gudoomiyaha Gobolka, hadana waxaa uu ka mid ahaa xubnaha baarlamaanka ee la soo xulay, inkastoo aan loo dhaarin.

Tarsan ayaa sheegay inuu ka tanaasulay xubinimada baarlamaanka, isagoo qanacsan uu u ogolaaday in booskiisa lagu wareejiyo Prof. Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyed, horayna Xildhibaan u soo noqday.

Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa waxaa uu macalin ka yahay jaamacada Banaadir, iyadoo Muqdisho uu ku leeyahay rug caafimaad oo uu ku daweeyo dadka xanuunada caloosha iyo cudurada kale qaba.

Waxaa uu ahaa dhaqtarka gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Add New Comment