Kulan lagu taageerayay wax-qabadka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ayaa shalay lagu qabtay magaalada Nairobi.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen aqoonyahano, ganacsatao, ardayda jaamacadaha, ururrada haweenka iyo dhalinyarada ayaa lagu taageeray howsha safaaradda iyo dedaallada wax-qabad ee safiirka.
Maxamed Maamud Guutaale oo ka tirsan guddiga gacansatada xaafada Islii ayaa ku ammaanay danjire Maxamed Cali Nuur Ameriko iyo guud ahaan shaqaalaha safaaradda howsha adag ee ay jaaliyadda u hayaan, wuxuuna ku baaqay in shacabka ay taageeraan howsha safaaradda.
Maxamed Nur Qalimow oo ka mid ah jaaliyadda Nairobi ayaa sheegay in tan iyo sanadkii 2007 oo safaaradda dib looga furay Nairobi ay qabatay howlo lagu ammaani karo oo ay ugu horreyso soo celintii dhulkii safaaradda oo si sharci darro ah shaqsiyaad looga iibsaday sanadkii 1994-kii, taageerada qaxootiga, dhowridda xuquuqda Soomaalida ee Nairobi iyo sidoo kale kuwa ku jira xabsiyada.