Dowladda Soomaaliya oo gacan-ka-geysatay sii deynta Paul iyo Rachel Chandler (DAAWO SAWIRRO)



Paul iyo Rachel Chandler oo ay kooxo burcad badeed Soomaali ah ku heysteen Soomaaliya ilaa Oktoobartii hore ayaa la sii daayay maanta, waxaana lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed oo la kulmay Paul iyo Rachel Chandler markii ay Muqdisho yimaadeen ayaa  sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeedba ay aad ugu faraxsan yihiin in ay lamaanayaasha dib u heleen xoriyaddoodii.

“Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya waxay sii deyntiina gelisay wax kasta oo macquul ah oo bani’aadannimo ah si aad ugu noqotaan dadkii aad jecleydeen iyo kuwii idin jeclaa, haddana xor ayaa tihiin, annaguna waan faraxsannahay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlayay Paul iyo Rachel Chandler.

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed  oo haatan ku sugan Magaalada Makka ee dalka Sacuudi Arabiya si uu waajibadka Xajka u soo guto ayaa isna taleefoon uu soo diray wuxuu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay  sii deynta Paul iyo Rachel Chandler iyo in ay ehelladoodii iyo asxaabtoodii u socdaan.

“Waan ka xunnahay in burcad badeed Soomaali ah ay xoriyadda ka qaadeen laakin waxaan ogahay in dad geesiyaal ah oo Soomaaliyeed ay si ka-daalid la’aan ah ugu howlanaayeen sii deynta Paul iyo Rachel Chandler, waana salaameynaa”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed



Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed  oo ka hadlay sida ay ku timid sii deynta Lamaanayaasha ayaa ku gaabsaday “dad badan ayaa is-weydiin doona sida ay ku timid sii deynta Paul iyo Rachel Chandler, ujeedadeenu waxay ahayd in aan sii deyntooda ku guuleysanno, waana ku faraxsannahay in ay xor yihiin”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Add New Comment