Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa soo dhoweyey taallaabdii maanta Golaha Baarlmaanku ku ansixiyey
Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax
Shirdoon.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa aad uga mahad-naqay
Baarlamaanka sida ay codka kalsoonida u siiyeen Xukuumada cusub “Tani waxay
muujineysaa kalsoonida ay nagu qabaan Baarlmaanka sharafta leh iyo Shacabka ay
matalaan, waana ku kalsoonaa oo waan ka filieyey sidan iyo si ka wanaagsan” ayuu
yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiiradda ee maanta la
ansixiyey inay si deg deg ah howlahii loo igmaday uga shaqa galaan.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha wuxuu ka codsaday Baarlmaanka iyo Shacabka
Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Xukuumadda cusub “ Shaqsiyaadkaasi
masuuliyadda loo dhiibay maaha in howshu qaran faraha looga qaado , dhammaan
sida aan u dhan-nahay waa in aan la shaqeynaa, ayuu yiri Madaxweynahuhu.