Golaha Wasiirada cusub magacyadooda iyo Beelaha ay kasoo jeedaan


Habeenkii xalay ayaa la shaaciyay Magacyada Golaha wasiirada Cusub ee uu soo dhisay R/wasaare Maxamed Cabdulaahi Maxamed farmaajo,waa 18 Wasiir oo u badan aqoonyahano ka yimid dalka dibadiisa,waxayna qaarkood ay saaxibo dhow ahaayeen Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo ay isla soo wada shaqeeyeen .

Sida ka muuqato magacaabista Golahan Wasiirada waxay tahay mid lagu saleeyay hab qeybsiga 4.5 oo ay ku dhisan tahay Dowladda KMG.Haddana waxaan soo gudbineynaa magacyada wasiirada iyo Beelaha ay ka soo jeedaan:

1.Cadullaahi Ebyan Nuur Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta {Dir, Biyo maal}.
2. Maxamed Cabdullaahi Oomaar Ra’isul-Wasaare ku xigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda {Dir, Isaaq, Habar Awal}
 3. Cabdulxakiim Maxamuud Xaaji Fiqi Ra’isul Wasaare ku xigeen Wasiirka Gaashaandhigga {Raxaweyn, Digil, Dabare}.
 4. Porf. C/weli Maxamed Cali Ra’isul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga {Daarood, Majeerteen, Cumar Maxamuud}.
5. C/shakuur Sheekh Xasan Faarax Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka {Hawiye, Habar gidir, Ceyr}.
 6. Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta {Daarood, Ogaadeen, Cowlyahan}.
 7. Drs. Maryama Qaasim Axmed Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska {Beesha 5-aad, Baandiri}.
 8. Yuusuf Macalin Amiin {Baadiyow} Wasiirka Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha {Raxaweyn, Mirifle, Liisaan}.
 9. Dr. Aaden Xaaji Ibraahim Da’uud Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada {Beesha 5-aad, Jareer weyne}.
10. C/kariin Xasan Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta {Daarood, Dhubahate,Cali Geri}
11. C/nuur Macallin Maxamuud Wasiirka Arrimaha Bulshada, Shaqada & Horumarinta Shaqaalaha {Dhallinyarada iyo Isboortiga {Dir, Surre}.
12. Dr. Maxamed Macallin Xasan Maxamed Wasiirka Kalluumeysiga, Bey’adda iyo Kheyraadka Badda {Hawiye, Murusade Cabdalle Sabdi Maxamed yar }.
 13. Axmed C/raxmaan Abaade Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka badda, cirka iyo Dhulka {Dir, Isaaq, Habar Yoonis}.
14. Maxamuud Maxamed Boonow Wasiirka Dastuurka, Federaalka & Dib u heshiisiinta Mirifle {Raxaweyn, Mirifle Hadme}.
15. C/rashiid Khaliif Xaashi Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska {Daarood, leelkase}.
16. C/risaaq Sheekh Muxyadiin Wasiirka Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka {Raxaweyn, Mirifle, Eelaay}.
17. C/nuur Sheekh Maxamed Wasiirka Waxbarashada, Hiddaaha iyo Tacliinta Sare {Hawiye, Xawaadle}. 18. Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim {Garweyne} Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha {Hawiye, Gaaljecel, Abti-Same}.

Iyadoo durbadiiba ay bilaabatay Mucaaradad ka dhan ah Golaha Cusub ee wasiirrada ayaa haddana bishan gudaheeda lagu wadaa xukuumadani in la horkeeno golaha Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya si kalsooni loo siiyo oo ay ku shaqatagaan.

Add New Comment