Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo tababar loogu soo xiray magaalada Xuddur


XogDalB.jpgWaxa magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool tababar mileteri loogu soo xiray askar ay tiradoodu gaareyso 700, kuwaas oo qayb ka noqon doona ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Bakool ee koonfu-galbeed Soomaaliya.

Ciidamadan soo dhammeystay tababarka ayaa in muddo ahba ku jiray xero mileteri oo ay tababar kaga qaadanayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Ethiopia oo halkaasi ku sugan.

Guddomiyaha degmada Xuddur ee dowladda Soomaaliya Maxamed Macallim Axmed ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in ciidamadan tababarka soo dhammeystay ay qayb ka noqon doonaan dagaalka lagula jiro xoogagga Al-Shabaab ee weli ku sugan degaano gobolka ka tirsan.

Tababarrada noocaan oo kale ah ayaa muddooyinkan dambe ka socday gobollada Baay, Bakool, Gedo iyo Hiiraan, kuwaasoo ay saraakiil Ethiopian ah tababarro ku siinayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda xarumo ku yaalla gobolladaasi.


Add New Comment