Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo baaq ka helay xildhibano ka soo horjeeda Goddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan




Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa  diyaariyeen mowshin ka dhan ah Goddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan , waxayna ugu baaqeen R/wasaarha Soomaaliya inuusan soo magacaabin dowladdisa inta xal is-afgarad ah looga helaayo khilaafka Baarlamaanka.


 Xildhibaanada diyaariyey mowshinka looga soo horjeedo Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan u dul qaadan doonin dhaqamada foosha xun oo uu ku kacayo Goddoomiyaha Baarlamanka KMG ee soomaaliya, waxayna sheegeen kullankii shalay ay qaadan lahaayeen baajinteeda dhaqaale badan ku bixiyey.



Xildhibaanada kasoo horjeeda goddoomiyahooda ayaa Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha KMG ee Soomaaliya Maxamad C/laahi Maxamad (Farmaajo)  ugu baaqeen in aysan ku ceeboobin soo magacaabida golayaasha Wasiirada, inta aan xal laga garin khilaafka u dhaxeeya Baarlamanka dhexdiisa.

Sida muuqata  khilaafka  Baarlamanka dhexdiisa ayaa weli ah mid si wannaagsan aan loo dhammaystirin taasoo keentay  maalintii shalay xildhibaanno rabay inay ku shiraan goloha Barlamanka uu Godoomiye Shariif xasan  amar uu siiyay ciidamada AMISOM  in ay ka hor joogsadaan inay galaan golaha Baarlamaanka oo ay kulanka isaga looga soo horjeedo uu qabsoomo.

Add New Comment