TACSI - Geerida Marxuum Xasan Cabdulle Xasan


                      

     
                               inaalilaahi[1].jpg
                      

Waxaa maanta gelinkii hore degaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelada Hoose ee dalka Soomaaliya ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee marxuum Xasan Cabdulle Xasan oo ay da'disu ahayd 92 jir .isla maanta ayaa lagu duugay Qabuuraha Al barakaat.
Waxaana geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Dhammaan xubnaha SilGor waxay tacsi tiiraanye leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka Xasan Cabdulle Xasan, gaar ahaan walaaheen Reer Hiiro Faarax, waxayna marxuumka Allaah uga baryayaan inuu ka waraabiyo Jannadii Ferdowsa, ehelada iyo qaraabadana uu sabar iyo iimaan ka siiyo Aaamiiin


Add New Comment