Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Maxamud oo
khudbad ka jeediyey shirka Ganacsatada iyo Maalgeliyeyaasha oo maanta ka dhacay
London ayaa yiri “Soomaaliya waxaan rabnaa in aan ka dhigno dal ku dhisan
technologiyadda cusub oo Wadooyinka, dekedaha, airportka, iyo guryaha waa in ay
ahaadaan kuwa aan ku dhisneyn cilmigii hore balse ay qasab tahay in ay ku
dhisnadaan caqliga qarniga 21aad iyo casriga cusub.
Dowladda Soomaaliya waxeey juhdi badan ku bixisay amniga. Waxaan ognahay
Soomaaliya hidii ay tahay meel nabad ah waxaa laga herglin karaa ganacsi” ayuu
sheegay Madaxweynahu.
Soomaaliya waxey ku taalaa meel istaraateji u ah caalamka iyo ganacsiga
adduunka oo waxey leedahay xeebta ugu dheer Africa, labo webi, dhul beeraad, ka
gancsiga xoolaha iyo kheyraadka dabiiciga ah oo dhammaantood u baahan in
shacabka looga faaiideeyo”.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladdu ay
dhiirigelineyso ganacsiga iyo maalgashiga,dowladdana ay dhowaan hor keeneyso
baarlamaanka sharciyadii maalgeshiga iyo ganacsiga madaxa bannaan. Maalgashiga
dalka waxey faa’iido u tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dalka. Sidoo kale waxaa
muhiim ah in shaqo loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed si ay u kobciyaan
ganacsiga iyo horumarka dalka ayuu Madaxweynaha ku soo gaba gabeeyay.