Dowlada Jaban ayaa maanta ku wareejisay Dowlada KMG deeq ay ugu tala gashay
Ciidanka Booliska Soomaalyeed deeqdaan ayaa ka koobanayd 16 Land Garuuser, 2
Ambalaas 2 gaari oo kuwa ciidanka lagu qaado ah iyo jaakadaha laga xirto xabadda
( Bullet Proof Jackets ) iyo koofiyadaha aan xabadu karin.
Ugu horayntii waxa kahadlay xafladii lagu wareejinayey Taliyaha Ciidanka
Booliska Soomaalyeed Gen. Shariif Shiikhuna isagoona uga mahad celiye deeqdaan
balaaran dowlada Jaban, waxaana uu u xusay inaysan ahayn deeqdaan tii ugu
horaysay oo ay kahelaan dowlada Jaban oo ay sidoo kale qayb libaax kaqaataan
mushaaraadka ciidanka iyo qalabayntoodaba isla markaana ay rajaynayaan in
deeqdaana aysan noqon doonin tii ugu danbaysay, Gen. Sheekuna waxaa uu sheegay
in qalabkaan lagu wareejiyey uu waxbadn kabadali doono tayeenta Ciidanka
Booliska Soomaaliyeed siina laba jibaarayaan dadaalkooda ku aadan soo celinta
nabada iyo kala danbaynta.
Waxaa isna xaflada kahadlay Safiirka Jaban ufadhiya dalka Kenya Amb. Shahisa
Takeda isagoo sheegay inay tahay markii ugu horaysay oo uu yimaado magaalada
Muqdisho aadna ugu faraxsanyahay so dhaweynta loo sameeyey, waxaa kale oo uu
sheegay in Shacabka Jabaan deeqdaan ay katimid uguna tala galeen inay ku
caawiyaan walalahooda Soomaaliyeed siina wadi doonaan qalabaynta iyo dhismaha
Ciidanka Booliska Soomaaliya dhawaana ay soo gaarsiin doonaan qalab kala
duwan.
Sidoo kale waxaa khudbad kajeediyey wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga
Qaranka Mudane. Cabdi Samad Macalin Maxamuud isagoo dhankiisa sheegay in
deeqdaan katimid shacabka iyo dowlada Jaban ay sare u qaadi doonto awooda
ciidanka Booliska una sahlayso in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed wax weyn kusoo
kordhiyaan sugida nabadgalayada.
Ugu danbayntii waxaa goobta ka kahadlay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr.
Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas waxaana uu mahadcelin baalaran u jeediyey Dowladda
iyo Shacabka Jaban waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaare Gaas in Dowlada Jaban ay
mudo badan lagarab taagnaayeen taageero nooc kastaba leh, kana mid yihiin
wadamadda ka caawiya dalka Soomaaliya taba barida iyo qalabaynta Ciidanka
Booliska Soomaaliya.