Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo gaaray magaalada London


hasan.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee shalay gelinkii dambe ka duulay garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdalla ee magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalamadaxda dalka Britain ee London.

Ujeeddada safarka madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa ah ka qaybgalka shir caalami ah oo ay marti gelinayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisul-wasaaraha Britain, kaasoo maalinimada berito ka furmaya London, lana filayo in ay kasoo qaybgalaan madax ka kala socota dalal tiradoodu ay kor u dhaafeyso 50 iyo ururro caalami ah.

Shirka ka dhacaya London ee loo qabanayo Soomaaliya ayaa ah mid lagu doonayo in dalka dhaqaale loogu uruuriyo, si wax lagaga qabto dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dib-u-dhiska dalka oo ku burburay deganaansho la'aan iyo dagaalo soo jiitamayey muddo ka badan 22 sano.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa si weyn loogu soo dhoweeyey gegida dayaaradaha magaalada London, ayadoona ay halkaasi kaga hortageen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Britain iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Shirka Soomaaliya ee London ayaa ah mid ay dowladda Soomaaliya rajo badan ka qabto in ay kasoo baxaan nataa'ij wax ka tari kara sidii wax weyn loogaga qaban lahaa xaaladaha cakiran ee ka jira dalka Soomaaliya.



Add New Comment