Shirkii ansixinta dastuurka oo ka furmay Dugsiga Sare Booliska ee magaalada Muqdisho


Shirkii ansixinta dastuurka oo ay ka qeybgaleen ergooyin laga soo xulay odayaasha dhaqanka ayaa si rasmi ah maanta uga  furmay Dugsiga Sare ee tababarka Booliiska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda furitaanka shirka ayaa waxa kasoo qaybgalay boqollaal ka tirsan odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah madaxda Qaranka oo ay ka mid yihiin Ra'iisul-wasaaraha Xukuumadda KMG CAbdiweli Maxamed Cal (Gaas), wasiirro , xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidanka iyo madaxda ururada bulshada.

Qudbadihii furitaanka ayaa haatan ka soconaya madasha shirka waxaana ka hadlay wasiirka warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta mudane C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn” oo hadalkiisa ku muujiyay ahmiyadda uu kulankani leeyahay, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ergadu ay ansixin doonto dastuurka cusub ee dalka.

Furitaanka shirka ansixinta dastuur uu yeesho dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli ay jiraan baaqyo fara badan oo ka imanaya qaybaha bulshada kuwaas oo ku baaqaya in dib loo dhigo ansixinta dastuurka, halka ay qaarna ku baaqayaan in dastuurkani uusan waafaqsaneyn shareecada diinta Islaamka.


Add New Comment