Munaasabad lagu dhaarinayey agaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gen. Bashiir Maxamed Jaamac iyo gen. Cabdikariim Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta lagu
qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan dhaarinta ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka (Villa Somalia) waxaana ka
qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda sar-sare ee dalka iyo saraakiisha ciidamada dowladda.
Guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilko-xanaf ayaa dhaariyay labada mas'uul ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska
Soomaaliya.
Labada mas'uul ee maanta la dhaariyey ayaa waxa dhowaan soo magacaabay xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayagoona lagu kala beddelay agaasimihii hore ee Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Daawo sawirrada