Ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo gaaray gobolka Hiiraan


Qaybtii ugu horreysay ciidamada dalka Jabuuti ee qaybta ka howlgallada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gaaray degaanka  Kala-beyr ee gobolka Hiiraan, ciidamadaas oo sida la sheegay u sii gudbi doona magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada reer Jabuuti ee gaaray degaanka Kala-beyrka ayaa habeenimadii xalay kasoo tallaabay xuduudda uu gobolka Hiiraan la leeyahay Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, waxaana tirada ciidamadaasi lagu sheegay in ay gaareyso ilaa iyo 300 oo askari.

Ciidamada reer Jabuuti ayaa warar aan la xaqeejin waxa ay sheegayaan inay la socdaan saraakiil u dhalatay waddanka Fransiiska oo ku wehelin doona howlaha ay u tageen gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowladda KMG ayaa horey u sheegay inay diyaariyeen goobihii ay magaalada Beledweyne ka degi lahaayeen ciidamada reer Jabuuti ee halkaasi la geynayo, waxaana dhowaan soo kormeeray gobaha ay ciidamadaasi degi doonaan saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Dalka Jabuuti ayaa dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2011 si cad qayb uga noqday howlgallada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kaddib markii ciidamo ka socday dalkaasi ay soo gaareen magaalada Muqdisho, taasoo dalka Jabuuti ka dhigtay dalkii saddexaad oo Afrikaan ah oo ciidamo u soo dira gudaha dalka Soomaaliya.


Add New Comment