Waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho oo dib loo furay
Waxaa maanta dib u furmay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ay muddo afar maalmood ah u xireen arrimo la xiriiray sugidda amaanka.
Xayiraadda maalmihii la soo dhaafay saarnayd waddooyinka magaalada ayaa waxa ay ku koobnayd gaadiidka, hase ahaate waxaa dadweynaha loo oggolaa in ay lugeeyaan, ayadoona ay goobaha ganacsiguna si caadi ah u furnaayeen.
Dib u furidda waddoyinka ee maanta caadiga ku soo noqotay ayaa waxa si weyn u soo dhoweeyey wadayaasha gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahayba, ayagoona sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tallaabadaasi ay qaadeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Tallaabadii muddada afarta maalmood ah lagu xiray waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli ay soo baxayeen warar sheegayey in ay suurtagal tahay in ay magaalada soo aaddan yihiin falal amni darro oo ay qorsheynayeen kooxaha dowladda kasoo horjeeda.
Add New Comment
|
|
|