Wararka naga soo gaaraya degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa
sheegaya in ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ee AMISOM ka tirsan ay soo
galeen gudaha degmada, kaddib markii saacadihii la soo dhaafay ay ku
socotay duqeyn xoog leh, taasoo sababtay in xoogaggii Al Shabaab ee
degmada gacanyta ku hayey ay isaga baxaan.
Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya
oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo ay taangiyo ku jiraan ayaa haatan
ku sugan gudaha degmada Afmadow, ayadoona lagu soo warramayo in
xoogaggii Al Shabaab ay degmada uga baxeen dhanka bari.
Saraakiil u hadashay ciidamada Dowladda
KMG ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab
ee ay ku doonayaan inay kula wareegaan guud ahaan gobollada Jubbada
Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaana hubanti ah in ciidamadan huwanta ah ay
ku wajahan yihiin magaalada xarunta u ah gobolka J/Hoose ee Kismaayo
isla markaana xarun muhiim ah u ah xarakada Al Shabaab.
Xaaladda Afmadow ayaa haatan deggan, wax
war ah oo rasmi ah oo ku saabsan qasaaraha halkaasi ka dhacayna ma
jiro, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inay jiraan dhimasho iyo dhaawac
ka dhashay madaafiic dhowr ah oo degmada lagu soo riday intii aysan
Shabaabku ka bixin.