Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in
shirka Istanbul uu ka qabo rajo wanaagsan, wax badanna uu ka badeli
doono dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya muddada 21-ka sano ah,
asagoona si gaar ah u rajeeyey in shirkani ay kasoo bixi doonaan go'aano
Soomaaliya ka saari doona xaaladda ay haatan ku sugan tahay.“Waxaan
uga mahadnaqayaa dawlada Turkiga dadaal faraha badan ee ay ku bixinayso
sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd dhibaatada ay ku jirto waxaana ku
rajo weyn nahay in shirkaan uu noqdo mid Soomaalida u horseeda hormar”
ayuu yiri Ban ki Moon xog’hayaha guud ee Q,M.
Mr. Ban Ki Moon waxa
kale oo uu sheegay in Soomaaliya oo marar hore oo fara badan beesha
caalamku isku dayday in arrimaheeda wax lagaga qabto ay haatan heysato
fursaddii ugu wanaagsaneyd ee soo marta, taasoo suurtagelin karta in ay
cagaheeda mar kale isku taagto.
Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobay ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbuul oo uu ka socdo shirka
mustaqbalka Soomaaliya, kaasoo ay ka qaybgalayaan madaxda Soomaaliya,
maamul-goboleedyada, odayaasha dhaqanka, bulshada rayadka, siyaasiyiin,
ganacsato iyo wakiillo ka kala socda 40 dal oo caalamka ah.