Shirkii Soomaalida ee Istanbuul oo maanta si rasmi ah u furmay


Waxa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga si rasmi ah uga furmay shir caalami ah oo lagaga wadahadlayo mustaqbalka dalka Soomaaliya oo jihawareer siyaasadeed iyo dagaallo lagu hoobtay ku soo jiray muddo ka badan 21 sano.

hoggamiyeyaal.jpgShirkaan oo daba socda kii ka horreeyey ee kol hore lagu qabtay magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa waxa ka qaybgalaya madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Somaliland, maamul-goboleedyada Soomaaliyeed ee Puntland, Galmudug iyo Culimaa'udiinka Ahlu Sunnah Wal-Jamaaca (ASWJ).

Sidoo kale waxaa ayaagana shirkan ka qaybgalaya Odayaasha Dhaqanka beelaha, bulshada rayadka, siyaasiyiin, ganacsato Soomaaliyeed, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo wakiillo ka kala socda 40 dal oo beesha caalamka ah.

Dowladda Turkiga oo shirkan martigelineysa ayaa dalka Soomaaliya u rajeyneysa in shirka Istanbuul ay kasoo baxaan qodobo wax ka badali kara xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya iyo inuu dhammeystir u noqdo shirkii ka horreeyey ee magaalada London.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxa diiradda lagu saari doonaa sidii Soomaaliya ay soo ceshan lahayd kaalintii ay ku lahayd caalamka iyo sidii looga hirgelin lahaa mashaariic dib-u-dhis oo aad u ballaaran, kuwaasoo ay ugu horreyn doonaan siyaasadda, hay'adaha dowladda, ammaanka, jidadka, tamarta korontada iwm.

Add New Comment