Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu
hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo ay kaga qaybgeli doonaan shirka odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah halkaas uga socda.
Wufuud kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay kala hoggaaminayaa guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan iyo ra'iisul-wasaaraha Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa horey ugu sii sugnaa magaalada Istanbul si ay uga qaybgalaan shirka magaalada Istanbuul ay dhowaan ku yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida.
Dowladda Turkiga ayaa waxa ay dalkeeda ku martigelisay adayaasha dhaqanka Soomaalida iyo bulshada rayidka ah, sidoo kalena waxaa dhowaan dalkaasi ka dhici doono shir ay isugu iman doonaan qaybaha siyaasadda Soomaalida oo ay ka mid yihiin Dowladda KMG, Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunnah WLJ.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa gegida dayaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyey mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.