Kullan ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug Madaxweyne ku
xiggeenka Maamulka Galmudug State C/samad Nuur Guuleed iyo Golaha Wasiirada
Galmudug ayaa waxa ay isku raaceen in Galmudug ay ka qeyb gasho shirka ka
furmaya Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaasi oo uu horey kaga soo
horjeestay Madaxweyne Max’ed Axmed Caalin.
Madaxweyne ku xiggeenka Maamulka Galmudug State
C/samad Nuur Guuleed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in la
isku raacay in shirkaasi ay ka qeyb gasho Galmudug islamarkaana ay wada go’aan
sadeen 3-da gole ee Galmudug ee barlamanka iyo Wasiirada Maamulkaasi, wuxuuna
intaasi ku daray inay suuro gali waysay in lagu wargaliyo ka qeyb galka
shirkaasi Madaxweyne Caalin.
Guddoomiyaha barlamanka Maamulka Galmudug State
Xasan Max’ed Hayl oo isna la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in
golaha barlamanka Galmudug uu taageersan yahay ka qeyb galka shirka Istanbul
islamarkaana ay taageersan yihiin go’aankii ay qaateen golaha Wasiirada sida uu
hadalka u dhigay, waxaana uu dhinaca kale xusay in Madaxweyne Caalin markii uu
kasoo horjeesanayay ka qeyb galka shirka Istanbul aan wax wada tashi ah la
yeelan Mas’uuliyiinta kale ee Galmudug.
Arrintaani ayaa sii hurinaysa khilaafkii ka
dhaxeeyay Mas’uuliyiin Maamulka Galmudug State oo horey ugu muransanaa xilliga
ay dhacayso Doorashada Madaxtinimo ee Maamulkaasi.