Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi
ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada
Istanbul ee dalka Turkiga halkaasoo si diiran loogu soo
dhoweeyey.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale safarkiisa ku wehlinayay xubno ka
tirsan golihiisa Wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha
Federaalka Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga
Caalamiga ah Mudane C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo
Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Maxamed Xuseen Jaahweyn, Wasiir kuxigeenka
gaadiidka Cirka, Dhulka Badda iyo dekeddaha Mudane C/raxmaan Dheere iyo sidoo
kale marwada R.wasaaraha Drs. Hodan Ciise.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinay wakiilka
xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Augustine Mahiga.
Ra’iisul Wasaare Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey
madax ka tirsan dowladda Turkiga, Siihayaha safaaradda Soomaaliya Amb. Nuur
Sheekh Cali Xaamud, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Kamalutin Kani Turum,
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/xakiin Cige
Guuled, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Istanbul Mudane Maxamed Xoosh
iyo xubno kale kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dejiyay Hotelka Caalamiga ah ee Conrad halkaasoo
uu horay u sii deganaa guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan
oo haatan howlo shaqo u jooga magaalada Ankara ee caasimadda dalkan.
Dhinaca kale, madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed
iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maalinta berri ah May
30, 2012 uu soo gaaro magaalada Istanbul si ay uga wada qeybgalaan madaxdu
shirka dhowaan ka furmaya Istanbul ee caalamiga ah kaasoo diirada lagu saari
doono arrimaha Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina shirkii odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee
Bulshada Rayidka uga soconayay Hotelka Dedeman ee magaalada Istanbul ayaa galay
maalintiisii saddexaad iyada oo weli ay u shirayaan afar kooxood oo ka hadlaya
Siyaasada, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada iyo Amniga, waxaana la filayaa in
shirkan maalinta berri ah la soo gabagabeeyo si loogu gudbo wejiga labaad ee
shirka ee madaxda dowladda iyo beesha Caalamka.