Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdigii uu hogaaminyey ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii ay dalka Turkiga ku tageen booqasho shaqo oo dhowr maalmood qaadatay.
Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxa xubnaha wafdigiisu uu ka koobnaa xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo oo guddoomiyaha ku weheliyey safarkii uu ka tagay dalka Turkiga, kaasoo ka dambeeyey casumaad uu mudane Jawaari ka helay dhiggiisa dalkaasi.
Guddoomiye Jawaari iyo wafdigiisa ayaa waxa gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si weyn ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil iyo mas'uuliyiin kale.
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo warbaahinta kula hadlay gudaha gegida dayaaradaha ayaa sheegay in safarkii ay ku tageen dalka Turkiga uu u suurtageliyey in ay dalkaasi kula kulmaan madaxda ugu sar sareysa Turkiga, ayna isla soo qaadeen xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, arrimihii ay ka wada hadleenna dhammaantood laysku afgartay.