Raila Odinga oo sheegay in Kenya ay safaarad ka furaneyso magaalada Muqdisho


Raila.jpgRa'iisul Wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya Dr. Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay dhigiisa dalka Kenya Mr. Raila Odinga oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, xaaladda ammaan iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa xukuumadda ra'iisul wasaare Cabdiweli Gaas ku ammaanay dadaalada nabadeed ee socda iyo horumarka weyn ee uu dalka  Soomaaliya ku tallaabsaday bilihii u dambeeyey, Ra'iisul wasaare Cabdiweli Gaas ayaa asagana dhankiisa Odinga uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran, isla markaana ka warbixiyey xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Arrimaha labada Labada Ra'iisul Wasaare ay isla soo qaadeen ayaa waxa kale oo ka mid ahaa sida ugu habboon ee muddada yar ee hartay loogu dhammeyn karo howlaha qaaridada nabadda (Roadmap), shirka ka dhici doona magaalada Istanbuul ee arrimaha Soomaalida iyo in dowladda Kenya ay dib u furan doonto safaaraddii ay ku lahayd magaalada Muqdisho.

Intaas kaddib ayaa Ra'iisul wasaare Odinga waxa uu caddeeyay in dowladda Kenya  ay dib u furan doonto safaaraddeedi ay ku lahayd magaalada Muqdisho, si si buuxda loogu soo celiyo xiriirkii dibloomasiyadeed ee labada dal ee deriska ah.

Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Gaas oo uu weheliyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mr. Maxmed Cali Ameerika ayaa intii uu booqashada ku joogo dalka Kenya kulamo kala duwan la yeeshay safiirrada Mareykanka, Shiinaha iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Mahiga iyo mas'uuliyiin kale.



Add New Comment