Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta ku dhawaaqay in ay diiddan yihiin ka qeybgalka shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.
Hoggaamiyeyaashan qaadacay shirka Istanbuul ayaa diidmadooda ku aaddan ka qaybgalka shirka Istanbuul sabab uga dhigay in aysan wax dan ah ugu jirin dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwa ayagu ay matalaan iyo in shirkani uu ka hor-imanayo qorshaha geeddi-socodka nabadda Soomaaliya ee (Roadmap).
Madaxweyne Faroole ayaa intaas ku daray in ay dareemayaan in gacan-dhaaf lagu sameeyay ka qeybgalka shirkaas, wuxuuna caddeeyay in mar ay madaxda Soomaalida dhawaan isku arkeen Addis Ababa oo ay arrimaha shirkan wax iska weydiiyeen ay cid walba sheegtay in aaney arrimaha shirka Istanbul waxba kala socon.
Wuxuu carrabka ku dhuftay madaxweyne Faroole in liiska dadka ka qeybgelaya shirka Soomaalida ee Istanbul II laga soo saaray xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in ay arrintaas soo shaaci bixi doonto.
Qaadacaadda hoggaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug ee shirka Istanbul II ayaa waxay imaaneysaa iyadoo ergooyinka ka qeybgelaya shirkaas ayaa ku sii qulqulayaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyagoo ka kala imaanaya daafaha caalamka.