132 oday dhaqameed Soomaaliyeed oo maanta loo qaaday dalka Turkiga


Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee beryahan ku kulansanaa magaalada Muqdisho ayaa maanta ka duulay gegida dayaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayagoo kusii jeeda magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

Odayaasha maanta u duulay Turkiga ayaa waxa ay tiradoodu dhamayd 132 oday, waxaana safarkoodaasi ku sii sagootay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen ku-xigeenka ra'iisul-wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdisamad Macallim Maxamuud iyo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxa gegida dayaaradaha Aadan Cadde ka qaaday dayaarad Turkish Airlines ah oo ay soo dirtay dowladda Turkiga.

odayaasha-dhaqanka-gaari-saaran[1].jpg

Safarka-odayaasha-dhaqanka1[1].jpg


Add New Comment