Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay si buuxda Al-Shabaab ugala wareegeen gacan ku haynta magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Paddy Ankunda ayaa mar uu warbaahinta la hadlayey sheegay in ciidamadooda iyo kuwa Dowladda KMG ay
magaalada ka xoreeyeen Al-Shabaab, dadka reer Afgooyena ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen isbedelkaas, hase ahaatee waxaa jira warar kale oo sheegaya in gudaha magaalada aysan ku sugnayn mid ka mid ah garabyada dagaalamaya.
Qabsashada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay sheegteen ayaa magaalada Afgooye ka dhigeysa degmadii ugu horreysay ee ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee ka baxda gacanta xoogaggii Al-Shabaab.