Kooxo hubaysan oo wariyihii Shabelle Axmed Cadow Canshuur ku dilay Dharkenlay


SMN.jpgKoox ku hubeysan bastoolado ayaa maanta degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay Allaah ha u naxariistee weriye Axmed Cadow Canshuur oo ka mid ahaa weriyeyaashii u shaqeynayey Shabakadda Warbaahinta Shabeelle.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay, waxaana wariye Axmed Cadow Canshuur uu ka mid ahaa wariyayaasha laf dhabarta u ah shabakadda Warbnaahinta Shabelle, waxaana si gaar ah uu ugu xil saarnaa Shabakadda Warbaahinta Shabelle Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle oo ah barnaamij siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaluda lagu wareysto.

Maamulka Shabadda SilGor waxay tacsi u dirayaan Shabakadda Warbaahinta Shabelle, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday weriye marxuum Axmed Cadow Canshuur, asagana waxay Allaah uga baryayaan inuu ka waraabiyo jannadii fardowsa. AAMIIN.


Add New Comment