Mahiga oo soo dhaweeyay isbedelka Soomaaliya
Qaramada Midoobay ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in Soomaaliya uu ka dhaco isbaddel aan muddo labaatan sanno ka dhicin, waxayna madaxda Soomaalida ku ammaantay sida ay uga dhabbeeyeen ballantii ay qaadeen.
Ergayga gaar ah ee xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa sheegay in qorshaha xariiradda Nabadda Soomaaliya ee Road Map-ka laga gaaray guul weyn, isla markaana la sii dardar galinayo howllaha ka haray arrintaasi.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shirka ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia uu u socda hab ku salleysan wada shaqeyn iyo is afgarad aysan horey u muujin madaxda Soomaalida, isagoo intaa raaciyay in arrintaasi ay boggaadinayaan.
“madaxda Soomaalida waxaan ku ammaanayaa sida ay dalka ugu horseedeen Horumar uusan gaarin mudadii 20-ka sanno ee la soo dhaafay, sidoo kale Soomaaliya waxaan ka rajeynayaa in uu ka dhaca sibaddelkii ay wada sugayeen shacabka Soomaaliyeed ee nabadda iyo dowldnimada u baahan” ayuu yiri Mr. Mahiga
Adduunka Soomaaliya waxa ka soconaya si wanaagsan ayuu ula socdaa, waa arrin cusub in Soomaalida dhexdeeda in ay go’aan ka gaaraan Aayaha dalkooda” ayuu haddalkiisa sii raaciyay, isagoo xusay in beesha caalamkuna ay sii wadi doonto taageerrada ay u baahan yihiin Soomaalida, si loo gaarsiiyo dowlad waarta.
Haddalka ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli hoggaamiyayaasha Soomaalida uu shir u aadan amba qaadka Horumarrinta dalka uga socda magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana shirkaasi laga filayaa in ay ka soo baxaan Qodobo guul u ah ummadda Soomaaliyeed.
Add New Comment
|
|
|