Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka: Iskaashi halaga sameeyo xaqiijinta ammaanka Muqdisho


abdisamad1.jpg Wasiirka Arrimaha Gudaha & Aminiga Qaranka ee Soomaaliya mudane  Cabdisamad Macallim Maxamuud ayaa ka sheegay kulan uu la qaatay Maamulka gobolka Banaadir, hay'adaha ammaanka, guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo saraakiisha Xoogga Dalka sida loogu baahan yahay in la sugo ammaanka magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in sida ugu wanaagsan ee ay u sahlanaan karto sugidda ammaanka caasimadda ay tahay in wada shaqeyn buuxda ay dhex marto hay'adaha ammaanka, Xoogga Dalka iyo maamulka gobolka Banaadir iyo degmooyinka 16-ka ah ee uu ka kooban yahay, si loogaga hortago falalka amni darro ee ka jira Muqdisho.

Maalinimadii shalay ayey ahayd markii wasiirku uu ka qaybgalay kulan lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, kaasoo ay ka soo qaybgaleen mas'uuliyiin ka kala socotay wasaaradda arrimaha gudaha, maamulka goblka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada ammaanka, loogagana dooday sida wax loogaga qaban karo amni darrada mararka qaar ka jirta magaalada Muqdisho

Hadalkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli shalay kullan looga hadlayay ammaanka Muqdisho ay ku yeesheen Saraakiil Ciidan, Maamulka gobolka iyo Hay’adaha ammaanka kaasi oo diiradda lagu saarayay xaqiijinta ammaanka Muqdisho oo maalmihii dambe ay falal ammaan darri ka dhacayeen.


Add New Comment