Kulan ballaan oo looga hadlayay amniga gobolka Banaadir oo ay si wadajir ah u soo
qaban qaabiyeen wasaaradda Arrimaha, Gudaha iyo Amniga qaranka, isla markaana ay
ka soo qeyb galeen wasiir Arrimaha Gudaha, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo
saraakiisha ammaanka ayaa maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka
Banaadir.
Kulankan oo bishiiba laba mar dhaca ayaa looga hadlayay ammaanka caasimadda,
waxaana si wadjir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaradda Arrimaha, Gudaha iyo Amniga
qaranka Xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, kulana waxaa
furitaankiisa looga dooodday dardar galinta amniga gobolka Banaadir iyo sidii
ciidammada amniga loogu adkeyn lahaa arrimahaasi.
Kulanka inta uu socday waxaa haddallo ka jeediyay saraakiisha amniga, iyo
guddoomiyayaasha gobolka Banaadir, iyadoo si gaar ah loogu fara guray, dardar
galinta ammaanka caasimadda iyo wada shaqeynta saraakiisha amniga gobolka iyo
guddoomiyayaasha degmooyinka, sidoo kale sarakiisha ammaanka ayaa soo jeediyay
tallooyinka ku habboon sugidda amniga.
Intaasi kaddin guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna Duqa magaalada Muqdishi
mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan” ayaa ka hadlay kulanka, waxa uuna ciidammada
Booliska ku ammaanay sida ay uga shaqeeyaan ammaanka, haddana looga baahan in ay
sii xoojinyaan oo la shaqeeyaan guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka
Banaadir.
Wasiirka Arrimaha, Gudaha iyo Amniga qaranka Soomaaliya mudane Cabdi Samar
Macallin Maxamuud ayaa dhinaciisa sheegay in lama maarmaan tahay wada shaqeynta
laammaha ammaanka caasimadda, haddii arrintaasina la hirgaliyana hey’addaha
amniga ay wax badan ka qaban karaan sugidda ammaanka gobolka Banaadir oo hadda
meel wanaagsan maraya.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa
kulankan ku tilmaamay mid dhiiragalin u ah xoojinta iyo wada shaqeynta ka
dhaxeysa hey’addaha amniga iyo saraakiisha ka howlgasha caasimadda, isagoo intaa
raaciyay in guddigani uu Bishii laba mar kulan ka yeellan doono waxyaabihii ka
qabsoomay amniga caasimadda, iyo sidii loo qaadi lahaa tallaabada xigta
arrintaasi.
Gabagabada kulanka ayaa waxaa ka soo baxay qodobo muhiim ah oo ay mid yihiin,
xoojinta ammaanka iyo in ciidammada Booliska iyo Nabad sugidda ay ballaariyaan
wada shaqeynta dhaxeysa si looga guulleyso kooxaha doonaya in ay waxyeelleeyaan
ammaanka caasimadda, sidoo kale waxaa la isla gartay in Isgoysyada Muqdisho ay
ka howlgallaan ciidammo heeggan ah oo amniga shacabka illaaliya.