Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Dayniile


Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG iyo Taliska Ciidamada AMISOM ayaa guulo ka sheegtay dagaal ay saaka aroornimadii hore ku qaadeen xaafado ka tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho oo ay fadhiyeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakatul Shabaab.

Taliyaha gaaska koowaad ee Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa mar uu warbaahinta la hadlayey asagoo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka sheegay in ciidamada dowladdu ay la wareegeen dhul aad u ballaaran oo ay ku jiraan goobo muhiim ah.

Sidoo kale Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay in dagaalkii ay saaka qaadeen ka gaareen horumar, ayadoo ujeeddaduna ay ahayd sidii loo sugi lahaa amaanka degaannada loo barakacay ee u dhexeeya magaalada Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in la wareegeen gacan ku-heynta waddo muhiim ah oo isku xirta degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka maanta oo soo gaaray ilaa duhurnimadii ayaan warar rasmi ah laga heyn qasaaraha soo kala gaaray dhinacyada ay dirirtu u dhexeeyso, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in ay dagaalkaasi ku geeriyoodeen tobaneeyo ka tirsan dhinacyada is haya.

Dhanka kale Xarakatul Shabaab ayaa dhinacooda waxa ay sheegeen in dagaalkani uu ahaa mid ayaga lagu soo qaaday, ayna iska difaaceen, sidoo kalena waxay dadweynaha ugu baaqeen inay dagaalka lagu soo qaaday diinta iska difaacaan.


Add New Comment