Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ku shirsan madaxda Soomaalida, gaar
ahaan saxiixayaasha dhabbaha lagu gaarayo kala guur siyaasadeed (Roadmap).
Waxaa shirkani ku soo beegmay iyada oo maalmahan la isla dhex marayay in ay
jirto dhibaato ka taagan xagga lacagta lagu socodsiin lahaa hawlaha.
Haddaba maanta ayaa waxaa soo baxday in beesha caalamku ay diyaar la tahay
lacag hawsha lagu socodsiiyo.
Hadalkan wuxuu ku soo baxay si yar oo fudud. Dajnitaha Britain u qaabbilsan
Soomaaliya, Matt Baugh oo weli fadhigiisu yahay Nairobi ayaa waxaa uu soo saaray
qoraal uu ku qoray Bolggiisa.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in haddii madaxda Soomaalidu ay ku dhaqaaqaan
tallaabada saxda ah, in markaas ay beesha caalamku la garab taagnaan doonto
lacag lagu socodsiiyo hawlaha.
Waxay beesha caalamku la diyaar tahay ayuu yiri $11m, taas oo in ka badan
milyan iyo bar ay bixineyso dowladda Britain.
Haddaba su'aashu waxay tahay waa maxay tallaabada saxda ah.
Marka hore waxaa looga baahan yahay, ayuu ku tilmaamay, in madaxda ay
hannaanka ka dhigaan mid aan mugdi ku jirin lagana qeyb geliyo wakiillo ka socda
dhinacyada oo dhan.
Iyo in lagu shaqeeyo madbi'yan heshiiskii Roadmapka iyo heshiisyadii garowe
ee daba yaallay.
Sida aan ka warqabno, saxiixayaashu waxay isku khilaafsan yihiin arrimo la
xiriira dasturka, iyada oo isla markaana ay beelaha dhinacyada qaarkood ay
dhaliilo u soo jeediyeen qodobba ka mid ah Dastuurka.
Danjire Matt Baugh, wuxuu ku tilmaamay in haddii khilaafaadkaas la iska af
garto, oo hore loo dhaqaaqo, ay noqon doonto fursad taariikhi ah oo dhidibbada
loogu aasi karo nabad iyo xasillooni ka islaaxda Soomaaliya.