Shir ay isugu yimaadeen saxiixayaashii Roadmap-ka oo Addis Ababa ka furmay


African.jpgShir lagu ay ka wada qaybgalayaan qaybihii wada saxiixay qorshaha Qariidada Nabadda (Road-map) ee Soomaaliya iyo xubno ka socda ururo caalami ah ayaa maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa duhrnimadii maanta ku biiray wafdi kale oo ay hoggaaminayeen guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan iyo ra'iisul-wasaare Cabdiweli Maxamed Cali oo ayagu shalay gaaray magaalada Addis Ababa si ay uga qaybgalaan shirkani.

Sidoo kale waxaa madasha uu shirku ka dhacayo gaaray wufuud ka kala socotay maamullada Galmudug, Puntland iyo Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca, ayadoo dhanka kalena ay goobjoog ka ahaayeen ma'uuliyiin ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD.

Qabashada shirkan ayaa ku soo beegantay xilli uu jiro is-qabqabsi iyo muran ku saabsan ansixinta dastuurka, kaasoo gaar ahaan u dhexeeya madaxda Dowladda KMG iyo qaar ka mid ah saxiixayaashii Roadmap-ka, gaar ahaan maamul-goboleedka Puntland oo ka biyo-diidsan qodobo ka mid dastuurka la doonayo in la ansixiyo.


Add New Comment