Wasiirka arrimaha dibadda oo u ambabaxday dalka Ethiopia


take off.jpgRa'iisul-wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fawsiya Yuusuf ayaa Addis Ababa waxa ay uga qeybgaleysaa shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada ku midoobay urur goboleedka IGAD oo looga hadli doono Stabilization Plan”.

Marwo Fawsiya Yuusuf oo shalay inta aaney ka ambabixin garoonka diyaaradaha Muqdisho shir jaraa’id ku qabatay ayaa waxa ay sheegtay inay ku rajo weyntahay in guul ay ka gaarto shirkaasi oo loo balansan yahay inuu ku qabsoomo Addis Ababa 3-da bishan May.

“ waxaan ka qeybgalayaa shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada ku midoobay urur goboleedka IGAD oo looga hadli doono Stabilization Plan , waa qorshe horey loo sii diyaariyay oo laga fikiray, waxaana rajeynayaa in dowladeyda ay guul ka gaarto ajandayaasheeda qaran ee u qorsheysan , waxaana 4-ta bishan la kulmi doonaan Madaxweynayaasha wadamada gobolka”.

Ra’’isul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda.


Add New Comment