Maamulka-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa mar kale sheegay in qaybo ka tirsan degaanada uu maamulkaasi ka taliyo dhowaan la geyn doono ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo gacan ka geysan doona sugidda ammaanka.
Wasiirka amniga ee Maamulka-goboleedka Puntland Khaliif
Ciise Mudan ayaa asagoo la hadlayey warbaahinta maxaliga ah sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM la geyn doono Puntland si ay uga qayb qaataan howlaha sugidda ammaanka, asagoona taas sabab uga dhigay warar beryahan dambe laysla dhex marayey oo sheegayey in degaannada maamulkaasi ay gaareen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Xarakatul Shabaab.
Wasiirka reer Puntland ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in ay haatan socdaan kulamo ay la yeelanayaan saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaasoo ay kala xaajoonayaan sidii Puntland loo geyn lahaa cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM.
Arrintaan ayaa waxa ay ka dambeysay kaddib markii sida la sheegay ay beryihii ugu dambeeyey isa soo tarayeen wararka sheegaya in degaano ka tirsan maamulka Puntland ay gaareen dagaalyahanno ka tirsan Xarakatul Shabaab oo ka tegay gobollada koonfureed ee dalka, kaddib dagaallo qaraar oo ay la galeen ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamo shisheeye oo ka kala socda AMISOM, Ethiopia iyo kuwa Kenya oo markii dambe u xuubsiibtay AMISOM.