Guddoomiyaha Baarlamanka Oo Kulamo La Leh Waxgaradka Beydhabo


Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Baydhabo halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin Odayaasha iyo wax -garadka deegaankaasi.

Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo si diirran loogu soo dhaweeyay Beydhabo, ayaa islamaantaba ka qeybgalay kulan odayaasha iyo waxgaradka reer Beydhabo uga socday halkaasi, kaas oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa amaanka magaaladaasi.

Booqashada guddoomiyaha baarlamanka ee Baydhabo ayaa imaaneysa xilli cutubyo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom ay gaareen magaaladaasi, isla markaana ay fariisimo ka sameeysteen gudaha iyo dibadda magaaladaasi si ay u xaqiijiyaan amaanka.


Add New Comment