Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo beesha caalamka ku ammaanay mooqifka Soomaaliya uga aadan


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay beesha caalamka doorka fir fircoon ee ay ka qaadaneyso taageerrada dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladdiisu ay la dhacsan tahay mooqifka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ku taageerrayo.

UNO.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id u qabtay saxaafadda kaddib shirkii Golaha ammaanka ee uu ka qeyb ayaa waxa uu sheegay in uu la dhacsan yahay mooqifka Golaha ammaanka ee ku aadan xal u helidda Soomaaliya, arrintaasina ay u arkaan mid ka turjumaya masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Shariif ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay qaadaneyso tallaabo walba oo ay u arakto in dalka lagu gaarsiin lahaa casriga hadda jira ee dunidu, isagoo ku celi celiyay in marnaba aysan jiri doono wax dib u dhac ah oo ay dowladda Soomaaliyeed ogollaan doonto.

“xaaladda waa mid wanaagsan, beesha caalamkuna waa in ay dhabbeysaa ballan qaadayada ay u sameysay dowladda Soomaaliya, bisha Augusto ka hor waxaa si rasmi ah loo hirgalinayaa dhammaan qodobadii ka harsanaa Road Map-ka iyo ka gudbidda marxaladda KMG ah si loo qaado tallabaada xigtana ay lama maarmaan tahay taageerrada caalamka ee Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

Ugu dambeyntii haddalka madaxweynaha oo ahaa mid kooban ayuu ku soo gabagabeeyay in la gaaray waqtigii Soomaaliya ay u hana qaadi lahayd horumarka ka socda adduunka, taasina ay tahay midda kaliyah ee ay dadaalka ugu jiraan.


Add New Comment