Munaasab maanta lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee Beeraha iyo Xanaanada
Xoolaha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya isla markaana
ay ka soo qeyb galleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoona ay
munaasabada dhaarta ah lagu qabtay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee
magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr.
Cabdiwali Max’ed Cali Gaas, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda, iyo Qaar ka
tirsan xildhibaanadda.
Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xasan Gaboobe
ayaa dhaariyay Wasiirka Cusub ee Beeraraha iyo Xanaanada Xoolaha ahna Ra’iisul
Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xasan.
Dhaaryta kadib ayaa waxaa halkaasi hadal bagoodin ah ka jeediyay Ra’iisul
wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu
hambalyeeyay wasiirka Beeraha iyo Xanaanada ahna Ra’iisul Wasaare ku
xigeenka xilka loo magacaabay islamarkaana u gudan doono shaqadiisa si cadaalad
ah.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha
Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Xuseen Maxamed Sheekh Xasan uu
yahay shaqsi khibrad leh islamarkaana laga rajeynayo inuu guto waajibaadka loo
idmey oo ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.