Madaxweyne Sheekh Shariif oo ku sii jeeda dalka Mareykanka
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa habeenimadii xalay ka ambabaxay garoonka Jomo Kenyata ee magaalada Nairobi, ayagoo ku sii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaasoo ay kaga qaybgeli doonaan shir Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka yeelan doono arrimaha dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa intii aysan soo gaarin magaalada Nairobi kasoo kicitimay magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda halkaasoo ay maalmihii ugu dambeeyey booqasho ku joogeen, waxayna intii ay ku sugnaayeen dalka Uganda wadahadallo quseeya xiriirka labada dal la soo yeesheen madaxweynaha dalkaasi Yweri Museveni.
Sidoo kale ayaa madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa waxa ay booqday xero ciidan oo ay ku jireen ciidamo Soomaaliyeed oo soo dhammeystay tababar ciidan oo ay ku qaadanayeen gudaha dalka Uganda,wuxuuna madaxweynuhu halkaasi kula hadlay ciidamadaasi tababarka dhammeystay.
Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdiga la socda ayaa waxaa garoonka dayaaradaha ee magaalada Nairobi ku sii sagootiyey mas'uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya iyo qaar kale oo horey ugu sugnaa magaalada Nairobi
Add New Comment
|
|
|