Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saacaddaha soo socda kulan la leh dhiggiisa Uganda


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo isaga iyo wefdi uu hoggaminayo ay ku sugan yihiin magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa saacaddaha soo socda waxa uu kulan la qaadan doono dhiggiisa dalkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa socdaalka uu ku jooggo dalka Uganada ku wehliyo wasiirro uu mid yihiin wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carrab Ciise iyo masuuliyiin kale, iyadoo magaalada Kampala dalka ee Uganda ay si weyn ugu soo dhaweeyeey wefdiga madaxweynaha masuuliyiin sarre oo ka tirsan dowladda Uganda.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa xalay kulammo gaar gaar ah la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Uganda, waxaana saacaddaha soo socda lagu wadaa in madaxweyne Shariif uu kulan la qaato dhiggiisa dalka Uganda.

Kulanka madaxweynaha uu la qaadan doona madaxweynaha Uganda ayaa waxa ay uga hadli doonaan sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan wefdiga madaxweynaha, xiriirka labada dowladdooda, iskaashiga dhinaca Military-ga iyo arrimo kale.


Add New Comment