Sudan oo Somalia ugu deeqday 1 milyan oo Euro
Jamhuuriyadda Sudan ayaa ku soo biirtay dalalka Soomaaliya ugu yaboohay deeqda caalamiga ah, kaddib markii toddobaadkii hore magaalada London uu ku qabsoomay shir caalami ah oo loo qaabtay dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Sudan mudane Cali Karti ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu Soomaaliya ugu deeqay adduun dhan 1 milyan oo lacagta Midowga Yurub ee Euro, taasoo ay ugu tala galeen in ay wax ka tarto mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dalka Soomaaliya uu aad ugu baahan yahay gacan uu ka helo beesha caalamka, si wax loogaga qabto nabad ku soo dabaalidda dalka iyo dib u dhiska hay'adahiisa dowladeed, wuxuuna intaa raaciyey in dowladda Sudan ay horey Soomaaliya ugu fidisay deeq waxbarasho sare oo ay ka faa'ideysteen in ka badan 10 kun oo arday iyo tababarro ay siiyeen ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Deeqdan dalka Sudan ayaa waxa ay qayb ka noqoneysaa boqolaal milyan oo dollar oo ay qaar ka mid ah dalalka caalamku ugu deeqeen, kaddib shirkii ay wadajirka u martigelinayeen madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisul-wasaaraha Britain ee lagu qabtay magaalada London.
Add New Comment
|
|
|