Gen. Cadde Muuse oo walaac ka muujiyey xaaladda siyaasadeed ee Puntland


Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa walaac ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee xilligan ka taagan deegaanada Puntland, isagoo ka digay qalalaaso siyaasadeed iyo dhibaatooyin amni xumo inay ka dhacaan.

CaddeMuuse.jpgShir jaraa’id oo uu shalay gelinkii dambe ku qabtay magaalada Qardho ayuu sheegay in xilligan deegaanada Puntland ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo aan deganeyn, waxaana uu ku booriyay dhinacyada siyaasada inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara xasilooni daro.

“Waxa halkan ka jira qof walba waa og yahay, Puntland dhibaato weyn ayaa ka jirta, waxaa ka digeyna inay dhacaan dhibaatooyin amni xumo iyo xasilooni la’aan”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.

Mar uu ka hadlay doorashada la filayo inay ka dhacaan ayuu ku tilmaamay in wax badan ka maqan yihiin, isagoo si gaar ah u duray ururada siyaasadeedyada ka hana qaaday Puntland, isla markaana aanay ku dhisneyn shuruucdii laga rabay, ayna ka maqan tahay dimoqraadiyadi laga rabay.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa imaanaya, xilli maalin ka hor magaalada Boosaaso ay soo galeen ciidamo gadoodsan, kuwaasoo la wareegay Dekeda iyo xarumo kale, kadib markii ay ka cawdeen mushaar la’aan.


Add New Comment