Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Xudur

Dagaal xooggan oo socday muddo saacado ah ayaa xalay ka dhacay gudaha degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaddib markii xoogagga Al-Shabaab ay kasoo weerareen jihooyin dhowr ah ayadoo ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopia ay ku sugan yihiin magaalada.

Dagaalka oo ahaa mid aan waxba laysula harin ayaa waxaa ka dhashay qasaare isuga jiray dhimasho iyo dhaawac waxaana wararka ka imanaya Xudur ay sheegayaan inay dagaalka ku dhinteen ku dhowaad 20 ruux, tiro dad ah oo intaasi kasii badanna ay ku dhaawacmeen oo isugu jiray dad rayid ah iyo qaybihii dagaalamayey.

Dhinaca saraakiisha Dowladda KMG ayaa warar kasoo baxay lagu sheegay in xoogaggii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday dagaalkaasi lagaga dilay 15 dagaalyahan, dhinaca dowladdana aanu qofna kaga dhiman, hase ahaatee uu jiray qasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

Warar ayaguna kasoo baxay dhinaca Xarakatul-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadoodu ay gudaha u galeen magaalada ayna halkaasi ku laayeen askar fara badan oo ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya ee halkaasi ku sugnaa.


Add New Comment