Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay uga
doodayaan dib u eegista qodobbo ka mid ah dastuurka ku yeelanaya Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada
Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa iminka u diyaar Garoobaya in
ay ka qayb galaan kulankaasi oo ay ku falaqeyn doonaan qodobada Dastuurka ee ay
Ansixiyeen ergada gaaraysay 700 ka Xubnood.
Shalay ayaa Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska
Warfaafinta Baarlamaanka lagu sheegay in kulankaani uu Muhim u yahay guud ahaan
Shacabka Soomaaliyeed iyadoo war saxaafadeedka lagu sheegay in loo baahanyahay
in dhammaan Xildhibaanada Soomaaliyeed ay ka soo qayb galaan.
Dhanka kale Kulanka Maanta ayaa la filayaa in ay
ka qayb galaan dhammaan Gudiyada Madaxa Banaan ee soo dhiran dhiriyay qodobada
uu ka koobanyahay Dastuurka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari
ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in si dhow ay ula socdaan hanaanka looga
doodayo qodobada Dastuurka.