Dowladda Kanada oo dalkeeda ka mamnuucday Xarakada Al Shabaab


Wasiirka Amniga ee dalka Kanada ayaa sheegay in dowladdiisu u aqoonsatay Xarakada Al Shabaab ee dagaalka kula jirta Dowladda KMG ee Soomaaliya inay yihiin urur argagixiso ah, kaddib markii ururkaasi uu dhowaan si cad u sheegtay inuu xiriir la leeyahay ururka Al-Qaacida.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Kanada ay ka hortageyso dhaqdhaqaaq kasta oo ay Al Shabaab ka sameynayaan gudaha waddankaasi, sida lacago looga uruuriyo dalkaasi Al Shabaab, taasoo ay ku lug leeyihiin Soomaalida dalkaasi ku nool qaarkood.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in dalka Kanada uu Al Shabaab ku daray liiska argagixisada, waxaana uu intaasi raaciyey in laga hortagi doono in ay ciidamo ka qortaan gudaha dalka Kanada.

Dhowaan ayey ahayd markii dowladda Ingiriiska ay qaadatay go'aan la mid ah midka ay haatan qaadatay dowladda Kanada, dalkeedana ka mamnuucday dhaqdhaqaaq kasta oo lagu taageerayo Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Add New Comment