Soomaaliya oo xayiraaddii hubka laga qaaday
Xubnaha 15-ka dal ka kooban ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in qeyb ahaan la qaado cunaqabateynta hubka ee dalka Soomaaliya muddo hal sano ah.
Qaraar tirsigiisu yahay 2093 ayaa lagu meel mariyey in dowladda Soomaaliya loo fasaxo in ay sare u qaaddo tayada ciidamadaeeda dagaalka adag kula jira dagaalyahannada xarakada Al-Shabaab, taasoo ku suurtoobi karta oo keliya in la qaado xayiraadda hubka ee Soomaaliya saarneyd muddada 20-ka sano ka badan.
Qaadista xayiraadda hubka ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka dambeysay kaddib markii dhowr jeer oo hore ay sidaasi codsadeen dowladihii KMG iyo dowladda rasmiga ah ee haatan ka jirta dalka, taasoo u muuqata in ay si weyn ugu guuleysatay siyaadda arrimaha dibedda iyo cilaaqaadka guud ee ay Soomaaliya la wadaagto beesha caalamka.
Dalalka Mareykanka, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa waxa ay isku aragti ka yihiin sida ay Soomaaliya xilligaan ugu baahan tahay ciidamo tayo leh oo ay dalkeeda kaga difaacdo kuwa dhibka ka wada ee xasiloonidarrada ka shaqeeya.
Golaha Amaanka wuxuu ogolaaday in hubka fudud laga iibin karo ciidamada Soomaaliya si dib loogu dhiso isla markaana maamulka dowladda lagu baahiyo goobaha dhawaan laga qabsaday kooxaha Islaamiyiinta.
Isla kulankii lagu qaaday xayiraadda hubka Soomaaliya ayaa waxa uu Golaha Amaanku ku ogolaaday in howlgalka ciidamada Midowga Afrika AMISOM wakhtiga loo kordhiyo muddo ku dhowaad hal sano ah.
Add New Comment
|
|
|