Wafdi uu hoggaaminayo R/wasaaraha dalka ayaa gaaray dagmada Dhuusamareeb ee
xarunta gobolka Galgaduud waxaana halkaasi wafdiga kusoo dhaweeyay
mas’uuliyiinta gobolka iyo shacab.
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay
wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka, wasiirka difaaca dalka, guddoomiye
ku xigeenka labaad ee baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan
dowladda.
Markii ay ka dageen garoonka R/wasaaraha iyo xubnaha la socdo ayaa waxaa
garoonka diyaaradaha ee dagmada dhuusamareeb ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta
maamulka gobolka iyo boqolaal dad weyne ah kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan.
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa haatan kulan kula leh xarunta dagmada
boqolaal shacab isagoona jeedinayo khudbad uu uga warmayo xaalada dalka iyo
waxyaabihii ay ku guuleysatay xukuumadda mudadii ay jirtay.