Madaxweynaha oo hambalyo u diray Madaxweynaha dalka Kenya


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhura Kenyata oo ku guuleystay xilka Madaxtinimo ee dalkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu u hambalyeynayo dhigiisa dalka Kenya isagoona u diray hambalyo kal iyo laab ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyed iyo midka dowladda federaalka, waxaan hambalyo kal iyo laab u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Kenya”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyay in natiijada ka soo baxday doorashada dalka Kenya ay muujineyso sida wanaagsan oo ay dadka reer Kenya u doorteen hogaankooda cusub isagoo intaasi raacisiyay in uu sii wanaagsanaan doono xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xilka madaxtinimo ee dalka Kenya ayaa waxaa horay ugu guuleystay Uhuru Kenyata oo ah madaxweynaha cusub ee dalkaas waxaana ka soo horjeestay natiijada doorashada R/wasaaraha uu waqtigiisu dhamaanayo ee Raila Odinga isagoona maxkamada sare ee dalka u gudbiyay warqad dacwad ah dibna loo tiriyay codadkii, waxaana shalay ay maxkamada ku dhawaaqday in xilka madaxtinimo ee dalka uu ku guuleystay Uhura Kenyata.


Add New Comment